Madaxweynaha Galmudug oo ku wajahan Gelinsoor.

0

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo wareysi siiyay Warkii.Com ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan uu ku wajahan yahay deegaanka Gelinsoor ee Gobalka Mudug.

Sababta uu u tagayo ayuu ku sheegay Madaxweyne Xaaf, sidii uu halkaasi shir dib u heshiisiineed uu ku qaban lahaa, kaasi oo lagu dhex dhexaadinayo beelo dhawaan ku dagaalamay deegaanka Galinsoor.

Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in shirkan ay soo qaban qaabiyeen dhamaan odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda deegaanka Gelinsoor ee Gobalka Mudug.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf waxaa uu kulamo ka waday deegaano hoostaga Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here