Maamulka K/Galbeed oo howlgal ku xir xiray mas’uuliyiin hore

Maamulka Koofur Galbeed ayaa howlgal ay ka sameeyeen Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay,waxaana ay ku xir xireen mas’uuliyiin hore oo ka tirsanaa Dowladihii soomaray Dalka iyo maamulka Koofur Galbeedba.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda amniga kg C/Qaadir C/Raxmaan Cali; ayaa u sheegay Warkii.Com in Ciidamada maamulka Koofur Galbeed ay degaannada maamulkaas ka billaabeen howlgal hubka dhigis ah.

Waxaa uu sheegay in ilaa hadda ay xireen 5; mas’uul oo hore iyada oo warar hoose ay sheegayaan in Mas’uuliyiintaas hore uu ka mid yahay Aadan Saransoor iyo Rag kale.

Wasiiru dowlaha waxaa uu xusay in mas’uuliyiintaas hore uu galay tuhun ah dhinaca amniga sidaas darteedna howlgalka uusan kaligood ku socon ee uu yahay mid si guud loogu xaqiijinayo amiga degaannada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed ayuu sheegay in ay baaritaanka iyo howlgallada xasilinta ah ay ka billaabeen saddexda Gobol ee maamulkaasi uu ka arrimiyo.

Mas’uuliyiinta la xiray ayuu sheegay in baaritaan lagu sameynayo qofkastana la marsiinayo sharciga waxa uu ka helana uu qaadan doono.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII