Ma Ogtahay Shruti Haasan Inee Nikaax La’aan Dhalatay Xiriir Wada Noolansho Ayee Ku Dhalatay Atiriishadan.

0

Atiriishada Shruti Haasan waa mid kamid ah atiriishooyinka koonfur India ugu caansan iyo mid hadder Bollywoodka qeyb ka noqotay xidigtaan waa atiriisho ku dhalatay nikaax la’aan ama aroos la’aan.

Hooyaded iyo Aabahed oo xiriir wada noolaansho ah ka dhaxeyaan ayee uur qaaday taasi oona keentay inee dhalato gabadhaan maadama xiriirkoda daacad ahaa waxay go’aansadeen in gabadha uurka kujirtay ay dhalato.

Shruti waxaa aabo u ah Super Star Kamal Haasan iyo atiriishada bari samaadkii Sarika waxay Shruti dhalatay  28 Janaayo sanadkii 1986 xiriir wada noolaansho ah ayeena ku dhalatay 2 sano kadib dhalashadeeda ayee hooyaded iyo aabahed is guursadeen taasi oo ka dhigan in 1988 si rasmi ah isku guursadeen.

Dadka badankooda ma ogaan in atiriishadan ku dhalatay xiriir wada noolaansho ah balse waa xaqiiq jirto oo la diiwaan galiyay in Shruti habkaas ku dhalatay maanta nolosha waalidked ay la nooshahay aad aye ugu faraxsantahay.

Dhanka shaqada Shruti filmkeeda u dambeeyay waxuu ahaa Behen Hogi Teri oo ay Rajkumar Rao la sameeysay balse waa mashruuc bur buray oo Disaster noqday haatana filmkeeda xiga ee Bollywood ayee duubis kuwaada kaaso aan magac loo bixin wali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here