Ma Ogtahay Kareena Kapoor 2 Jeer Inee Saif Ali Khan Arooskiisa Diiday Odayga Bebo Si Fudud Kuma Helin Baryootan Badan Ayuu Galay!!

0

Kareena Kapoor waa atiriisha awood iyo karti badan waxayna noqotay atiriishada ugu guulaha badan qarnigaan cusub (19-kii sano u dambeysay) iyadoo hogaamineysa liiska atiriiishooyinka ugu guulaha badan sido kale waa atiriisho Power Star heer sarre ah sameeysatay.

Xiddigtaan nolosheeda gaarka ah dad badan oo ka warheynin xog badan ayaa jiraan tusaale in Saif Ali Khan 2 jeer ay ka diiday markuu guur usoo bandhigtay sheekadana si rasmi ah ayee u dhacday oo Bebo iyadaaba sharaxday.

16 Oct sanadkii 2012 ayee si rasmi ah isku guursadeen lamaanahan ugu dambeyn hadaba Kareena oo ino sharaxeysa qaabkii Saif in badan u daba socday 2 jeerna u diiday arooskiisa hoos kaga bogo.

Mudo 5 sano ah ayee wada socdeen oo ay xiriir wada lahaayen balse Kareena xili hore inee guursato ma aysan dooneynin iyado ka hadleysa in 2 jeer Saif ay guur kadiiday markii hore waxay tiri,”markii ugu horeysay Saif uu guur ii bandhigto waxay ahed xili aan Bar lagu caawiyo oo Dance wacan leh kuwada sugneen magaalada Paris-na ku yaalo.”

“Waan ka diiday hadana isla dalxiiskaas anagoo kujirna Saif igama harin waxuu hadana markale ii soo bandhigtay inaan is guusano xili aan kaniisad kuwada sugneen balse si cad oo xanaaq ka muuqdo ayaan ugu sheegay inuu sheekadaas iga xiro guurna aan diyaar u ahen xiligaan.”

“2 Maalin ayaa kasoo wareegatay markii haddana Saif iiso bandhigtay isla anago Paris kusugan balse labadaas maalin wax badan ayaa ka fikiray arinkaan anigoo guurka iyo shaqadeyda is bar bardhigay ugu dambeyn markii sedexaad foolxumo ayee ila noqotay inaan Saif kadiido guur waana ka aqbalay markii sedexaad run ahaanti farxadii uu farxay habeenkas ila hada ma ilaawo ilmo ayaa kasoo daadatay indhahiisa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here