Janeraal Morgan Iyo Saraakiil Kale Oo Ku Wajahan Deegaanka Tukaraq

0

Deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool Ayaa Waxaa Kusii Qul Qulaya Saraakiil Ciidan Oo Ka Socda Puntland Halkaas Oo Mudo Laba Maalin Ah Ay Ku Wada Dagaalamayeen Ciidamada Soomaaliland Iyo Kuwa Puntland.

Saacadihii Lasoo Dhaafay Waxaa Halkaasi Gaaray Saraakiil Ciidan Oo Ka Kala Yimid Magaalooyinka Garoowe Nairobi Iyo Muqdisho,Iyaga Oo La Kulmay Saraakiisha Dagaalka Hoggaamineysa.

Warar Aan Helnay Ayaa Waxa Ay Sheegayaan  In Deegaanka Tukaraq Uu Gaari Doonaan Saraakiil Uu Ka Mid Yahay Janeraal Maxamed Siciid Xeris (Morgan) Oo Ah Musharax Madaxweynaha Puntland Kaas Oo Dalka Dibadiisa Ku Maqan.

Janeraalka Ayaa Waxaa Markii Uu Tago  Tukaraq Uu Lakulmi Doonaa Taliyaha Ciidamada Puntland Janeraal Siciid Dheere Oo Ku Sugan Jiida Hore Ee Dagaalka Oo Ay Isku-Hor Fadhiyaan Ciidamada Puntland Iyo Kuwa Soomaaliland.

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here