Imisa saacadood ayey kugu qaadan kartaa inaad u ekaato xaaska Donald Trump?

Hooyo kasoo jeeda magaalada Houston ee dalka Mareykanka, ayaa waxay martay qalliin qaatay 9 saacadood (Plastic Surgery), iyadoo rajadeedu ay tahay inay u muuqaal ekaato marwada koowaad ee Mareykanka Melania Trump.

Magaceedu waa Claudia Sierra waana naqshadeeye caan ka ah gobolka Texas, waxayna isugu sameysay qalliinkaan si ay muuqaal ahaan u shabbahdo xaaska seddaxaad ee madaxweynaha USA Donald Trump.

Gabadhaan ayaa u sheegtay shabakadda Inside Edition: “Melania Trump waa haweeneyda ugu quruxda badan adduunka. Waa maxay sababta aan u diidayo inaan ugu muuqaal ekaado? Aniga ahaan waa gabar aad u dhammeystiran.”

Gabadhaani waa 42 sanno jir, waxayna haatan u ekaatay Mrs. Trump, iyadoo sidoo kale ka dhaxli karta inay dunida caan ka noqoto. Waxayna caddeysay inay ku faraxsan tahay muuqaalkeeda cusub.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII