Hritik Roshan Oo Ka Qeyb Galay Xaflada Gaba Gabada Duubista Filmka Super 30 (+Sawiro)

0

Super Star Hritik Roshan ayaa soo idleeyay gabi ahaanba duubista filmka Super 30 ee looga hadlaayo nolosha xisaabyahanka caanka ah Anand Kumar kaaso hindiya magac weyn ku leh.

Mashruucan waxaa wada jilayaan Hritik Roshan, Mrunal Thakur iyo jilayaal kale waxaana Director ka ha Vikas Bahl halka uu qarash gareenayo Anurag Kashyap waana mashruuc bilawga sanakda dambe la daawan doonoXalay ayee kooxda mashruucan dhigteen xaflad ay ugu dabaal dagayaan maadama ay dhameyeen duubista filmkooda waana xaflad soo xiritaan ah oo Super 30 loogu talo galay.

Super Star Hritik Roshan oo ah hogaamiyaha filmkaan ayaa lagu casuumay xafladan xalay wuuna kasoo qeyb galay sido kale atirishada filmkaan Mrunal iyo dhamaan kooxda filmk ayaa goobta kuwada kulmeen.

Damaashaad dheer kadib waa soo idlaatay xafladan waxaana filmkaan tiyaatarada la saari doona 25 Janaayo waxaana laga cabsi qabaa in filmkana iyo filmka Manikarnika ee Kangana wadato isku dhacaan.

Waxaa macquul ah in ay waqtiga bedeshtaan kooxda Manikarnika balse waxay u badantahay in ay isku dhici doonan oo dagaal Box-office-ka ku dhexmari doono labadaan film midaasina dan uguma jirto labada koox.

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here