Howlgal Dad Lagu Qabtay Oo Laga Sameeyay Degmada Balcad Ee Gobalka Sh/Dhexe

0

Ciidamada amaanka ayaa xalay howlgal ka sameeyay degmada Balcad ee gobalka Sh/dhexe,waxaana howlgalkaan laga sameeyay dhamaan xaafadaha degmadaas soda ay sheegeen masuuliyiin u hadlay maamulka degmada.

Dadka ku sugan Balcad ayaa Warkii.Com u sheegay in ay ciidamadu qabteen ku dhawaad 100-qof oo u badan dhalinyaro kuwaas oo lagu xiray saldhigga dhexe ee degmada si baaritaano loogu sameeyo,waxaana howlgalkaan uu yahay mid lagu xaqiijinayo Amniga Balcad.

Maamulka degmada ayaa Warkii.Com u sheegay in marka la soo geba-gebeeyo howlgalkaan ay la hadli doonaan Warbaahinta kaliyana waxa ay ku soo gaabsadeen in maamulku uu gudanayo masuuliyadda ka saaran dhinaca Amniga degmada Balcad ee gobalka Sh/dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here