Hordhaca: Sporting Lisbon vs Barcelona, Kooxda Reer Catalan Oo Guul u baahan

WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Sporting Lisbon vs Barcelona
Tartanka: Champions League
Garoonka: Estadio Jose Alvalade
Saacadda: 9:45 Habeenimo Xiliga Geeska Africa
Garsoore: Ovidiu Hategan (Romania)
Barcelon ayaa marti ku ah magaalada Lisbon iyadoo maanka ku heysa iney u baahan tahay guul muhiim ah si ay u ilaashato rikoorkeeda 100% ee ay ku bilaabatay xilli ciyaareedkaan dhamaan tartamada oo dhan.
Sporting Lisbon si wacan ayey ku bilaabatay Champions League madama ay 3-2 kaga ku garaacday Olympiacos oo ku sugan Athens, waxeyna rajeyneysaa iney rikoorkeeda sii wanajiso.
MAXAA KA CUSUB LABADA DHINAC?
Tababare Jorge Jesus wax dhibaato ah ma dareemayo madama uu heli karo dhamaan wiilashiisii guusha kasoo gaaray Olympiacos.
Jeremy Mathieu ayaa wajahi kara kooxdisii hore Barcelona madama uu xagaagii dhamaaday isaga tagay Camp Nou kuna biiray Lisbon.
Dhanka kale Barcelona waxaa ka maqnaan doona Ousmane Dembele, Rafinha, Arda Turan Iyo Paco Alcacer kuwaas oo dhaawacyo kale duwan qaba.
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Sporting CP & Barcelona laba jeer ayey is arkeen taariikhda Champions League, wareega group-yada xilli ciyaareedka 2008-2009, kooxda reer Catalan ayaana adkaatay labadii kulan
Barcelona 100% ayey ku bilowdeen madama ay guulo gaartay 7-dii kulan ee ay ciyaareen dhamaan tartamada oo dhan, sidoo kal Sporting CP wali lagama adkaan inkastoo ay laba jeer barbaro galeen dhamaan tartamada oo dhan.
Barcelona ayaa guuldareysatay sadex ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay banaanka kusoo ciyaart

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII