Hordhaca: PSG vs Bayern Munchen, Neymar Oo Tijaabod Adag Mari Doono

WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: PSG vs Bayern Munchen
Gegida: Perc de Princes
Saacadda Geeska Africa: 9:45Pm
Dhex dhexaadiyaha:  Antonio Mateu (Spain)
Kulanka ugu adag Champions League-ga waxa uu arbacada ku dhexmari doonaa Paris kooxaha PSG iyo Bayern.
Laba murqo weynayaan waxa ay ku loolamayaan toodii ku soo bixi lahayd kaalinta kowaad ee Group-kooda.
PSG
Javier Pastore wuu ka dhaawacn yahay PSG balse Emery waxa uu xaqiijiyey in Angel Di Maria ku jiro safka Bayern wajahaya.
Neymar cag xanuun ayuu ku seegay kulankii Montpellier balse waa diyaar hadda.
Yuri booskiisa ayuu sidoo kale xejisan doonaa.
Bayern
Arturo Vidal wuu ka soo laabtay ganaaxii uu ku maqnaa Halka Tiago Alcantara uu Shaki ku jiro
Juan Bernat wuu maqan yahay halka shaki isna ku jir Alaba Sidoo Kale Manuel Neuer dhaawac ayuu ku seegayaa kulankan.
RAADRAAC
PSG iyo Bayern Munich waxey kulmeen tiro lix jeer ah, kooxda reer France ayaa guul gaartay afar jeer halka Bayern ay guul heshay kaliya 2-jeer.
Markii ugu dambeysay oo ay kulmaan waxey aheyd 2000, PSG ayaa gurigeeda 1-0 ku adkaatay, balse Munich markey tagtay waa laga aargutay 2-0 ayaana lagu diray.
Bayern Munich 5 ka mida 6dii kulan ee ugu dambeeysay wey badisay Champions League-ga.
PSG ugu yaraan 2 gool wax ka badan ayey dhalisay 6 ka mida 7dii kulan ee ugu dambeeysay Champions League-ga.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII