Hordhaca: CSKA Moscow vs Man United , Kooxda Reer Rusia Oo Raadineyso guusheedi Ugu Horeesay Ay Ka Gaarto Man Utd

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: CSKA Moscow vs Man United
Tartanka: Champions League
Garoonka: VEB Arena
Saacadda: 9:45 Habeenimo Xiliga Geeska Africa
Garsoore: Jonas Eriksson :Sweden
Manchester United waxa ay wajihi doontaa CSKA Moscow kulan adag oo ka dhici doona Rasssia,waxaana xusid mudan in Red Devils ay guul ku bilowday hanaankeeda tartanka markaas oo ay 3-0 ku dhuftay Kooxda Basel.
CSKA Moscow jawi fiican kuma jirto marka loo eego kulamada horyaalkeeda waxeyna ku jirtaa booska 4-aad iyadoo kaliya adkaatay 6-kulan, 11-kulan oo ay ciyaartay.
MAXAA KA CUSUB LABADA DHINAC?
Fellaini ayaa lagu daray liiska ciyaartoyda ka dhaawacan Red Devils kadib markii ay dhibaato soo gaartay ciyaartii ay guusha ka heleen Southampton, sidoo kale Carrick ayaa isna dhibaato qaba.
Phil Jones iyo Eric Bailly ayaa diyaar ah iney ciyaaraan kadib ganaaxii ay ku seegeen kulankii Basel ee furitaanka.
CSKA Moscow laba xidig oo muhiim ah ayaa ka maqnaan doonta waana Aleksandr Makarov iyo Mario Fernandes
XAQIIQOOYINKA KULANKA
CSKA Moscow wax guul ah ma gaarin afar kulan oo ay horay u wajahday Man United (2-guul iyo 2-barbaro) ayeyna heshay wareega groupyada ayey iskua rkeen (2009/2010 – 2015/2016)
Marka lasoo hadal qaado kooxaha guulaha gaarya kulamadii koowaad oo dhan, CSKA Moscow waxey noqotay mida ugu liidata kubad heysashada 27%.
Man United kaliya hal jeer ayey guul gaartay 10-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay kusoo ciyaarto banaanka, Leverkusen ayeyna xiligaas 5-0 kaga badiyeen.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII