Hordhaca: Atletico Madrid vs Chelsea Kooxda Blues Oo Ku dhiban Kooxaha Reer Spain

WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Atletico Madrid vs Chelsea
Tartanka: Champions League
Garoonka: Estadio Wanda Metropolitano
Saacadda: 9:45 Habeenimo Xiliga Geeska Africa
Garsoore: Cuneyt Cakir Turkey
Maxaa Ka Xusub Labada Koox:
Atletico Madrid ayaa markii ugu horeysay lagu soo booqan doonaa minankeeda cusub ee Wanda  Metrapolitanto marka la fiiriyo tartamada yurub, kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ayaana noqotay kooxdii ugu horeysay.
Diego Costa ayaa caawa daawan doona kulanka xiisaha leh ee u dhaxeeya labada kooxood oo uu maaliyadooda xirtay, caawa wuxuu u sacab tumi doonaa kooxda caasimadda ka dhisan tiiyoo ay jirto inuu gacan qaadi doono Conte iyo ciyaartoyda kooxda ka hor bilowga kulanka.
MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?
Daafaca muhiimka ah ee Chelsea David Luiz ayaa la rajeynayaa inuu kasoo muuqdo kulanka caawa, inkastoo uu ganaax kaga maqnaa labadii kulan ee ugu dambeysay kooxdiisa hadana dhibyar ayaa gacanta kasoo gaaray kulankaas.
Eden Hazard ayey macquul tahay inuu kusoo bilowdo kulanka xiisaha leh ee caawa halka Pedro shaki weyn la galinayo iyadoo Gary Cahill uu dib ugu soo laaban karo shaxda Blues
Dhanka kale Diego Godin iyo Juanfran ayaa laga yaabaa iney kusoo laabtaan shaxda Atletico Madrid si la mid ah Kevin Gameiro iyo Torres ayaa dhanka weerarka kasoo muuqan kara.
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Chelsea ayaan wax guul ah ka gaarin Atletico Madrid afartii kulan ee ugu dambeeyay oo ay is arkeen 2-guuldaro iyo 2-barbaro.
Atletico Madrid wax gool ah lagama dhalin 16-ka mid ah 19-kii kulan ee ugu dambeysay oo ay ku ciyaartay gurigeeda kulamada Champions League.
Chelsea ma jecla iney booqato Spain, madama ay kaliya 3-guulood kusoo gaartay 15-kulan oo ay halkaas booqatay.
Atletico Madrid kaliya hal kulan ayey guuldaro la kulantay dhamaan kulamadii ay gurigeeda ku ciyaartay Champions League tan iyo markii uu la wareegay Diego Simeone.
Chelsea waxey u gudubtay wareega bug-baxda, 13-xilli ciyaareed oo ka mid ah 14-kii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay tartanka Champions League

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII