Hoobiyayal Caawa Lagu Garaacayo Qeybo Kamid Ah Magaalada Muqdisho

0

Hoobiyayaal Dhowr Ah Ayaa Waxa Ay Caawa Ku Dhacayaan Qeybo Kamid Ah Degmooyinka Gobolka Banaadir. Degmooyinka Qaar Ayaa Waxaa Ku Dhacaaya Hoobiyayaal Waxaana La Arkayaa Qiic Dul Heehaabayo Hawada Sare Ee Degmooyin Muqdisho Qaarkood.

Degmooyinka Caawa Lagu Garaacayo Hoobiyayaasha Ayaa Waxaa Kamid Ah Degmada Hodan, Waabari, Howlwadaag, Xamar-Weyne, Xamar Jajab Iyo Wardhiigley.

Hoobiyayaasha Qaar Ayaa Ku Dhacaaya Isgoosyada Magaalada Muqdisho, Waxaana Jawi Cabsi Leh Ay Ku Abuurtay Inta Badan Shacabka Ku Nool Magaalada Muqdisho.

Dhawaqa Hoobiyayaasha Caawa La Maqlay Ayaa Kor U Dhaafaya Ilaa 12 Hoobiyo Iyo Bamgacmeedyo Dhowr Ah Oo Lala Eeganaayo Ciidamada Fadhiya Isgoosyada Magaalada.

Sidoo Kale, Waxaa La Maqlayaa Dhawaaqa Rasaas Ay Ridayaan Ciidamada Dowladda Ee Ku Sugan Meelaha Qaraxyada Lagu Weeraraayo.

Si Kastaba Ha Ahaatee, Waxaan Si Rasmi Ah Loo Ogeyn Khasaaraha Dhimasho Iyo Tan Dhaawac Ee Kadhashay Qaraxyada Caawa Loo Qeybinaayo Degmooyinka Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here