Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo si kulul ugu hanjabay Siyaasiyiinta raba in ay Fashiliyaan DF….

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Cid kasta ee ku xadgudubta Hay’addaha Dastuuriga ah ee dalka waliba si cad ugu gefta in ay waajib tahay in talaabo laga qaado.

Ibraahim Iidle Saleebaan Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya la dhaliili karo balse cidii si ulakac ah u aflagaadeeyso hay’addaha Dastuuriga sida Baarlamaanka Garsoorka dalka iyo Calanka Soomaaliya intabada talaabo laga qaadi doono.

Waxa uu sheegay in cidii inta Masraxa soo istaagta ee mid ka mid ah Hay’addaha dowladda ku xadgudubta ay xeer ilaalinta Qaranka Soomaaliya ay awood buuxda u leedahay in shaqsigaas waajibkiisa marsiiso islamarkaana talaabo ka qaado.

Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la Shaqeeyaan dowladda islamarkaana nadaamka dalka ay ilaaliyaan.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII