DHAGEYSO: Gudoomiyaha Aqalka Sare oo kismayo ku wajahan

0

Waxaa la filayaa maanta in wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka soomaaliya inay u ambabaxaan Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga ayaa ujeedkooda waxa uu yahay sidii ay wadahadallo ula yeelan lahaayeen Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed islaam Madoobe si loo dhameeyo khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka ah ee soomaaliya.

Cabdi Xaashi Cabdillaahi Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka soomaaliya ayaa sheegay in ay doonayaan in la xaliyo khilaafka dowladda feeraalka ah iyo maamaul Goboleedyada u dhaxeeyo kaasi oo lagu tilmaamay iminkadaan uu dhowyahay in xalkeeda la gaaro.

Guddoomiye xaashi oo hadalkiisa sii wataa yaa hoosta ka xariiqay inay lakulmayaan dhammaan cid waliba uu khilaaf kala dhaxeeyo dowladda federalka ah si loo gaaro hormar waara taa badalkeedane dadka soomaaliyeed lagu habo nolol wacan.

Tan iyo markii uu soo ifbaxay khiklaafka u dhaxeeya dowladda federaalka ah ee soomaaliya iyo maamul gobaleedyada dalka ka jira intaa wixi ka dambeeyay ayaa aqalka sare waxa uu u istaagay xal uraadin arrintaasi maaadaama aqalka sare uu matalayo maamul-gobaleedyada dalka ka jira.

      Cabdi-Xaashi-Cabdillaahi
Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here