Goobta arooska Priyanka iyo Nick Jones ka dhici lahaa oo la badalay arimo dhanka amaanka la xariiro

0

Hadal heynta Bollywood Town ugu weyn ka jirto ayaa ah diyaar garowga loogu jiro arooska lamaanaha caanka ah Priyanka Chopra iyo Nick Jones dhiganayaan balse haatan goobtii arooska ka dhici lahaa waa la badalay arimo dhanka amaanka la xariiro.

Arooska PC iyo Nick Jones waxaa la qorsheeyay in Mehrangarh Fort uu ka dhaco waana qalcada ugu dheer ee Jodhpur saxafada Rajasthan ku taalo balse haatan goobtan waa laga badalay arooska wuxuuna ka dhici doonaa Umaid Bhawan oo ah qasri ku yaalo Rajasthan.

Priyanka ayaa booliska weydiisatay inay amaanka sugaan marka uu arooska ka dhacaayo Mehrangarh Fort wadooyinkana loo xiro dadkana aad loo baaro ee goobta arooska imaanayaan balse booliska wey ku gacan seereen madaama doorashooyin deegaankan ka jiro waxay diideen inay amaan sugida PC arooskeeda ku mashquulaan.

Sidaa darteed Priyanka iyo Nick Jones waxay isla qaateen go’aan ah in arooskooda uu ka dhaco qasriga Umaid Bhawan sidoo kalena ilaalo gaar ah soo kiraasteen iyo tiro yar ciidaan ah oo ay booliska ka helayaan ku filan tahay goobtan amaankeeda in lagu sugo.

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here