Goobo ganacsi oo ay lahaayeen dad Soomaaliyeed oo boob loogu geystay Dalka Koofur Afrika

Shacab Koonfur  Africaan ah oo careysan ayaa xalay boobay goobo ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaali ah oo ku yaalay xaafad lagu magacaabo Paarl oo qiyaastii 40 km u jirta magaalada Cape Town ee Dlakaasi.

Talaabadan ayaa la sheegay in ay ka dhalatay kadib muran gacan ka hadal sababay oo dhexmaray mid kamid ah Soomaalida kunool deegaankaasi iyo dad kale, waxaana markiiba isku bedeshey in bood iyo dhac loo geysto goobo ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed.

Ciidamada Police-ka ayaaa gaaray goobta uu falka ka dhacay,waxaana u suura gashay in ay xakameeyeen rabashadaha ka dhashay arrintaasi wallow aan la ogeyn ilaa iminka cid loo soo qabtay falkaasi.

Dukaamada la boobay oo ah saddax ayaa waxaa la sheegay in uu ku jiray dukaan lagu iibinayay alaabaha jumlada ah ee lagu iibiyo dukaamada yaryar ee Soomaalida ku leeyihiin tuulooyinka hoos yimaada xaafada Paarl ee magaaladaasi Cap Town ee Dalka Koonfur Africa.

Dalka Koonfur Africa ayaa waxaa in muddo ah ka jirey dhibaatooyin xoogan oo loo geysanayo dadka Ajaanibta ah oo ay kujirto Soomaalida,waxaa ka dhaca dilal qorsheysan,afduub iyo handadaad,war bixin dhawaan la soo saarey ayaa lagu sheegay in Koonfur Africa ay ku jirto liiska 20 dal ee dunida ugu khatarta badan.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII