Go’aankii Madaxweyne Trump oo ruxay meelo badan oo Caalamka ka tirsan

0
270

Soo shaacbixii iyo ku dhawaaqiddii go’aankii Madaxweyne Trump u magaalada Quddus ugu aqoonsaday in ay tahay Magaalo Madaxda Yahuudda waxa ay ruxday caasimado badan oo laga arrimo dalal aan tiro yareyn oo juquraafi iyo diin ahaanba kala duwan. Ankara, xarunta Turkiga, ayaa ka mid ah meelaha waddamada muslimka ah ee inta uusan ku dhawaaqin ka digey go’aanka Trump ee ku tilmaamay in ay tahay “xarriiq gudduudan/cas oo laga tallaabsaday”, ku dhawaaqiddiina shaaciyey in ay billow u tahay: “dab aan dhammaadkiisa la aqoon” (fire with no end in sight).

Jidda, oo ah magaalo madaxda Sacuudiga ayaa iyana qoraal laga soo saaray lagu sheegay in go’aanka madaxweyne Trump yahay: “tallaabo masuulliyaddarro ah oo aan cudur-daar lahayn” (an irresponsible and unwarranted step). Qaahira, Cummaan, Baariis, Biijiin, Landan iyo dalal kale oo Adduunka ka tirsan ayaa codkooda ku biirshay in arrinta Quddus aan loo gacan dhaafin Falastiin iyo Israa’iil balse sideedaa loo dhaafo.

Sharci-dejiyaasha (congress) Maraykanka ayaa sannadkii 1995 ansixiyey sharci dhigaaya in Quddus tahay magaalo madaxda Yahuudda isla markaana faraya Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka in ay safaaradda Maraykanka ee Tal afiif (Tal Aviv) ku taal u wareejiso Quddus. Dhammaan madaxda Maraykanka ilaa wakhtigaa (1995) waxa ay olollaha doorashooyinka (election campaigns) ku ballan qaadayeen in haddii la doorto ay lixda billood ee u horreysa ay safaaradda Maraykanka ee Tal Afiif ku taal u rari doonaan Quddus. Mid ku dhiirrada waa la wayey. Mid kasta waxaa u saxiixi jirey xeer (waiver) dib u dhigaaya 6 billood raridda safaaradda iyo si rasmi ah ugu dhawaaqidda in Quddus tahay Magaalo madaxda Yahuudda.

Madaxweyne Trump oo dabciga iyo abuurtiisa ay ka mid tahay ku kicidda wax xiisad iyo xasarad abuura in u ku dhaqaaqo ayaa loo doortay in u Madaxweyne noqdo isla markaana ballan kaga qaaday codbixiyaasha midigta-fog, mad-habta efanjalakal-ka (evangelical) iyo kuwa tageera Yahuudda. Fulinta arrintan ugama duwanneyn heshiisyada ganacsiga ee Waqooyiga America (NAFTA) iyo Baasifigga (TPP) ama Kuwa (cimillada (Climate Change) iyo Eeraan (Iran Deal) oo u dhammaan ka laabtay.

Trump waxaa u rumeysan yahay go’aanka Quddus Maamulkiisu ka qaatay saameynta taban ee u ku yeellan karo dalka Maraykanka ay sii waari karto oo kaliya –haddii aysanba ka yareyn–inta u qoyan yahay khadka qalinka u ku saxiixay waraaqda lagu dhaxal wareejiyey Reer Falastiin. Si kale haddii aan u dhigno, hoggaamiyaasha dalalka muslimku (marka laga reebo Turkiga) dan iyo heello kama laha hiilka Trump u muujey Yahuudda balse shacuubtooda oo kaliya bay ku qancin in sida wax u dheceen ay ka xun yihiin. Trump waa sababta u ugu dhiirraday in Quddus oo 1967 dagaal dalkiisu ku gacan siiyey Yahuud ay kula wareegtay dhul badan oo Reer Falastiin iyo carbeed, Quddus na ka mid yahay.
In Quddus oo ah xarunta saddexaad ee muslimka ugu mudan ay  konton sano (50) gacanta Yahuudda ku jirto maamulkeedana aan cid ku wehellin, inta badanna xarumaha maamulka Yahuuddu halkaa ku yaalliin sida: xafiiska rasmiga ah ee RW, Guriga sharci-dejiyaasha iyo xafiisyada xubnaha golaha wasiirrada badankood, waxa ay tusaale nool u tahay in siyaasad ahaan, awood milkiteri ahaan iyo aqoon ahaanba looga adkaaday muslimka.

Qoraaga faalladan waxaa u ku doodin in Quddus aan Yahuud qabsan 1967 iyo 2017 midkoodna balse marka muslimiinta carabtu ugu horreysaa ay ka seexdeen. Waa markii ay iyagu dhexdooda isku jeesadeen ee midba kan kale sida uu u majo-xaabin lahaa ku foogmay. Bal fiiri Qadar iyo xuluufada Sacuudigu hoggaaminaayo! Waa marka firqooyin iyo mad-haab aan tiro lahayn la isku haybsaday ee misna intaas kuma joogsan ee la isa sii findhicilay. Magacyo iyo firqooyin aan jirin wakhtigii Nebiga (NNKA) noqdeen tusbax afka laga furay. Waa markii cilmiga falsafadda iyo sayniska noqdeen wax la gudboon-haddii aysanba ka khatarsaneyn- gaalnimo. Mirihii ay dihatay miyir guddoonkaa ku yimi bulshada muslimiinta ah iyo hoggaankoodii waa in aysan maanta jirin hal dowlad oo Muslim ah oo u babacdhigi karta Israa’iil awood milliteri ahaan, aqoon maaddi ahaan iyo siyaasad ahaanba.

Ugu dambeyn afka ay ku qoran tahay faalladan dadka leh (Soomaali) ee dadkoodii in badan oo ka mid ah badaha iyaga oo ka tallaabaaya ku le’day, qaarna faash/faas/baangad iyo addoonsi wehel u ah kuwii gudaha uga tageenna  saboolnimo, caafimaad darro, waxbarasho la’aan ku haysato, oo weliba ay intaas u dheertahay amni-xumo iyo isqarxin joogta ah, sameyn ma ku yeellan karaan go’aan Guriga Cad ka soo baxay? Quddus iyo Muqdisho yaa gurmad kaaga baahan maanta?

Maangal ma noqon kartaa in mid kuu eg oo dal, dad, diin iyo derisnimo idinka dhexayso inta aad faquuq, takoor iyo gacan ka hadal isugu darto, xaqiisana duudsiiso, in mid intaa wax ka yar  wadaagtaan  ama aan ku aqoonba aad tidhaahdo ama istusto in xaquuq ka maqan u soo dhiciso? Oo horta ma u soo dhicin kartaa? In aan dhiidhiibsanno oo aan cawradeenna la wada fiirsanaayo asturno iyo in aan mid kale dedno tee mudnaanta kobaad leh?

Wercelinta weyddiimahaa qoraagu akhristaha buu u dhaafin.

W/Q: Ilyaas Maxamed
Email: abdullahi8881@gmail.com
St. Paul, MN USA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here