warkii.com

Al-Shabaab oo kuwada dagaalamay Baraawe iyo Saraakiil Ajaanib ah oo lagu dilay Baraawe
Wararka ka imaanaya Degmada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan oo udhaxeeyay ciidamada Al-Shbaab ee kuwada sugan Degmada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha hoose.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa ka dambeeyay kadib markii rag hubaysan oo Shabaab ka tirsan saaka aroortii ay Degmada Baraawe ku dileen labo saraakiil oo cadaan ah kuwaasi oo la sheegay inay ukala dhasheen wadamada Suudaan iyo Kenya.

Xiisad ka dhalatay arintaasi ayaa Magaalada ka taagan iyadoo dagaal udhaxeeyay ciidamo kawada tirsan Shabaab uu ka qarxay Magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu udhaxeeyay ciidamo uu wato Axmed Godane iyo sidoo kale Xasan Daahir Aweys,Ibraahin Afgaan iyo Sheekh Muqtaar Abuu Mansuur oo iskuwada dhinac ah kana soo horjheeda Axmed Godane.

Xaalada Degmada Baraawe ayaa adag,waxaana hawada laga saaray taleefoonada gacanta si aan xog badan looga ogaan xaaladaha qatarta badan ee ka taagan Magaalada Baraawe.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay dareemayaan cabsi adag oo ka taagan Magaalada Baraawe,ayna suuragal tahay sii socoshada xiisadaan iyo dagaalka udhaxeeyay ciidamada kawada tirsan Ururka Al-Shabaab.

Khilaafka Shabaab ka dhextaagan ayaa soo shacbaxay markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay warbaahinta isku mariyeen hadalo kulul oo bayaanaad kusoo baxay,taasi oo muujisay khilaafka labada dhinac.

Lama ogaan karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaShabaab ku dhexmaray Degmada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha hoose.

Qiso Jacayl Ah Oo Aad Iyo Aad U naxdin Badan La Taliya Gabadhan
Dhibaato Walba oo ruuxa bini aadanka ah soo wajahdo xal waa ay lee dahay maxaa yeelay wax aan xal laheen ayaanba jirin walow ay u baahan yahiin inta xalka looga helaayo in ruuxa dhibanaha ah oo muujiyo dul qaad iyo samir sida mar kaas alle uu ugu saaro dhibka si fudud oo farxad ku jirto oo ugu iloobo dhibka markaas heestay ama heesta.

Hadaba Gabar dhibane caashaq jaceylka ah ayaa waxay nooga warameysaa dhibka uu u geestay jacelka halka uu dhan yahay qaas ahaan tiisa walow ay doneyso talo wax badan u tarta sida dhibka heesta ay ugu hesho xal dhab ah oo ay ugu gudubto waxayna noogu bilabeysaa sidaan.

Waxaan ahay gabar somaliyeed oo ku nool wadanka swizerland dad deyduna waa 25 sano jir magaceegu waa maandeeq hassan waxan jecel xoogan u qaday wiil aan asaxab ehen just best friendkeyga ah wuxu ku nolyahay isla wadankan aan ku noolaay wuxuu leeyhay xaas iyo 3 Caruur ah.

Aad ayaan u jeclahay mana ka marmo markuu mudo igu beeray jecel ayuu wuxuu bilabay inu ka caga jiido misana uu ii dhagag nugleen waxana ku heshiinay inan naagta asagoo qabo an nolosheyda ku amino hadana mahayo xageen talo kaga haga ayaa i heysato lakiisa jecelka nafteyda nafteyda lulaayo labeenta dushaada maxan maxan maxan ladi wayay aya i heysato

ila taliya oo maxan sameya nolosheyda aad ayey u ildarantahay

Taladaada Aad bay muhiim iyo wax tar badan ugu lee dahay gabadhaas aqriste fakar kaaga wanagsan habaqiilin gabadha dhibanaha caashaqa jaceylka uu haayo ama lasoo darisay walow gabadhaas aan lee yahay aniga samir badan muuji duqlaadkana waa xalka dhabta ah oo aad heesato mar bana lagaa donaayo talada in alle subxaana watacalaa aad u dhiibato xalkana alle oo kaliya ayaa ku wada siin karo walow talada rux bini aadin uu ku siyo ay kuu noqon karto daawo iyo talo wax tar badan kuu lahaan kareeso.

Midowga Yurub oo Sheegay in ay sii Kordhayaan Weeararda lamidka ah kii Shalay lagu qaaday Xarunta UNDP
Midoowga Yurub ayaa ku soo biiray Wadamada iyo Hey’adaha Cambaareynaya Weerarkii iyo Qarxyadii  Shalay lagu Weearary Xarunta UNDP ay ku leedahay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka arimaha dibada iyo siyaasada Midowga Yurub u qaabilsan haweyneeda lagu magacaabo Katriin Ashton ayaa sheegtay in ay Midowga ay canbaareenayaan weerarkii lagu qaaday UNDP.

Ashton waxa ay tilmaantay in weerarka noocasi oo kala ah ay ku sii kordhinayaan Magaalada Muqdisho iyadoona carabka ku adkeysay  in ay sii wadaan xoojinta isbaheesiga ay la leeyihiin dowlada Somalia.

Ashton ayaa u tacsiyadesay dhaman eheladii dadkodi ay ku geeriyoden xarunta Weerarka lagu soo qaday ee UNDP iyo xukuumada iyo shacabka Somalia.

War Deg Deg Dibad Bax balaaran oo xiligan kasoconaya Qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho
Waxaa Goordhaw taalada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho kabilowday dibad bax balaaran oo lagu taageerayo Hormarka iyo dib u dhiska Dowlada aan Walaalaha nahay ee Turkiga ka wado Dalka Soomaaliya.

Dibada baxan ay kasoo qeyb galeen Boqolaal dadweyne ah oo wata boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo lagu taageerayo looguna mahad celinayo Dowlada Turkiga waxay iskugu soo baxay Barxada Dal Jirka Dahsoon ee Degmada Boondheere.

Dibad baxan Goordhaw bilowday ayaa sidoo kale looga soo horjeedaa dibad baxyada kasocda Dalka Turkiga oo looga soo horjeedo Dowlada Dalkaasi iyadoona loogu baaqay Shacabka Turkiga in ay joojiyaan Dibad baxyada ay kaga soo horkeedaan Xukuumada Turkiga.

Waxaa la filayaa masuuliyiin katirsan Dowlada in ay ka qeyb galaan Dibad baxan goordhaw ka bilowday magaalada Muqdisho ee lagu taageerayo Dowlada Turkiga oo Magalaada Muqdisho ka hir galisay mashaariic hor mirineed sidoo kale gurmadkii ay ka geesatay baahidii iyo macluushii sanado kahor ku dhufatay qeybo kamid dalka Soomaaliya.

Waxii Warar ah iyo Swairo kusoo kordha Dibad baxan kala Soco Wararkayaga Damnbe Insha Allah

Golaha Baarlamaanka Puntland oo dhawaan ka doodaya Dastuurka dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen in wax laga badelay
Golaha Baarlamaanka ee puntland oo hadda ku guda jira Kalfadhigoodii 30-aad ayaa la sheegay inuu dhawaan ka doodi doono Dastuurka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay sheegeen madaxda puntland in wax laga badelay hadana ay dawladu isticmaalayso, qodobkan oo ka mid ah Ajandayaasha horyaala Kalfadhiga Baarlamaanka puntland ayaa la filayaa in xildhibaanadu ay doodaan maalmaha  soo socda ,waxaana la sheegay ianay si gaar ah uga doodi doonaan qodobo la sheegay inay ka mid yihiin dastuurka dowladda soomaaliya  oo wax laga badelay ,islamrkaasna sida yiraahdeen mas,uuliyiinta puntland in Nuqulka ay hadda dowladda soomaaliya isticmaasho aanu ahayn kii ummaddu ay isku raacday.

Sida warku sheegayo doodda baarlamaanka puntland oo bilaambaysa maalmaha inagu soo aadan ayaa la sheegay in laga soo saarayo go’aamo ka dhan ah Dastuurka ay isticmaasho dowladda soomaaliya oo lagu sheegay inuusan aheyn kii sharciga ahaa ,sidoo kalena dooddaasi uu ka yeelanayo baarlamaanka puntland dastuurka qabyada ah ee soomaaliya lagu qeexi doono sida la sheegay mawqifka Puntland ee arrinkaasi ku aadan sidaasina waxaa saxaafada u sheegay guddoomiye ku xigenka baarlamaanka Puntland Salaad Xareed Cali.

Arrintan la sheegay in baarlamaanka puntland ka doodi doono dhawaan ayaa  waxaa dhowr jeer oo hore  ka hadlay Madexweynaha puntland  C/raxmaan faroole oo dhaw jeer oo hore sheegay in puntland ay ka soo horjeedo in wax ka badel lagu sameeyo dastuurkii ay ummaddu dhigatay ee lagu midaysnaa dawladana ku eedeeyay in aysan waxba ka qaba.

Dhinaca kale Kalfadhigii shalay  ee Baarlamaanka puntland ayaa wuxuu ku ansixiyay Gobolka cusub iyo degmooyinkiisa ee dhawaan puntland lagu soo kordhiyay kaas oolagu magacaabo (Guardafuu) waxaana la sheegay  in xildhibaanada puntland  ay cod aqbaliyad ah ku ansixiyeen markii 39 xildhibaan oo ka mid ahayd Xubnihii kulankan soo xaadiray ay gacanta u taageen kuna ogolaadeen, sidoo kale Isla shalay  waxaa xildhibaanada Baarlamaanka Puntland loo qaybshay sharciga maxkamada Dastuuriga ah ee Puntland oo iyaduna ka mid ah Ajandayaasha baarlamanku ay ka doodi doonaan inta lagu guda jiro kalfadhigan 30-aad.

Cali Dheere oo sheegay ku dhawaad 20-saraakiil cadaan ah inay ku dileen weerarkii UNDP
Ururka al-Shabaab ayaa ka hadlay weerar shalay ay ka geysteen xarunta UNDP ee Magaalada Muqdisho,kadib markii rag hubaysan ay qaraxyo iyo dagaal ku galeen.

Afhayeenka guud ee Ururka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo warbaahinta hadal siiyay ayaa sheegay in ujeedka laga lahaa weerarka xarunta UNDP sidii loogu talogalay oo ufulay.

Cali Dheere ayaa sheegay in xaruta UNDP ay aheyd xarun laga soo abaabulo sida uu yiri dhibaatooyinka ka dhanka ah islaamka,balse dhabar jab weyn ku noqday weerarkii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in raga cadaanka ah ee halkaasi ay ku dileen ay gaarayaan ku dhawaad 20 sida uu yiri Cali Dheere Afhayeenka guud ee Al-Shabaab,inkastoo aan cadeyn rasmi ah loo hayn hadalkaasi.

Cali Dheere ayaa ujeedka koowaad ee weerarkaasi ku sheegay in raga ajaanibta ah ay ku haystaan Magaalada Muqdisho ammaan buuxa sida ay iyaga sheegeen,balse weerarka ayaa muujinaye buu yiri mid ajaanibta lagu tusayo inaysan Muqdisho ammaan ku haysan.

Weerarkii shalay ayuu sheegay inay fariin utahay Dowlado badan oo Soomaaliya usoo hanqal taagaya,kuwaasi oo dib uga guran doonaa Magaalada Muqdisho.

Sidee loo sugi karaa ammaanka Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka?
Waxaa maalinkasta maqalnaa waxaa magaalada muqdisho kadhacay Qarax ismiidaamin ah iyo weli malayshiyo Alshabaab

ayaa gudaha ugalay Hay,adaas,taasina waa midaan marnaba suurogal ahayn hoos udhacna ku ah dawladda Federalka ah ee

Soomaliya kadhalatay dabayaaqadii sandkii hore.

Dawladda Federaalka ahi waxay kadhutinaysaa meelo badan ,waxaana kamid ah meelaha dhibaatadu kajirto iskafogaynta Aqoonyahankii soomaliyed iyo soodhawaysashada Kooxda Damul-jadiid.

Dhanka kale waxaan meesha kamarnayn khibrad yarida golaha wasiirada ee xiligaan shaqaynaya,sidoo kale waxaan iyana si

hoose bulshadu ay uga biyo diidantahay bedelkii lagu sameyey labdii sarkaal ee ciidamada Xooga dalka.

Waxaana dib-ugu soonoqonaynaa qormadeena aan ku eegayno sidee lagu sugi-karaa nabada magaalda muqdisho,waxaana

Jawaabta su,aasha kahormarinaynaa dhinacyada nabadgelyo darada kawada magaalada muqdisho Alshabaab keliya miyaa?

Mise waxaa jira kooxo kale oo dhibaatada lawadaaga kooxdaas? waxaana uga jawabaynaa su,aalahan si fudud waxaana marka

Hore kajawaabaynaa sida Magalada Muqdisho Nabadeda loo-sugi karo waxaana ugu horeya inla qaato talooyinkaan soosocda:

A:- Waxaana ugu mudan inla abuuro jawi kanixinaya Alshabaab oo ay ugu horeyso inlaga damiyo dhamaan isgaarsiinta dalka

kajirta oo dhan,laxanibo iskugudbinta lacagaha xawaaladaha ah,kadibna labilaabo baaritaan,dagaal,iyo guluf colaaded.

B:-  Waa in dadka kudhaqan Magaalada Muqdisho ay kaqayb-qaataan ladagaalanka Alshabaab,sidoo kalena lahubeeyo

Dhalinyarada degaanada ay kubadan yihiin kooxdaasi,lana abuuro muqaabarad aan habeen iyo maalin seexan.

C:- Waa inlaga hortgaa takoorka lagu hayo qaar kamid bulshada Muqdisho laguna dhahayo waxaad tihiin Alshabaab iyo

Alqaacida,taas oo sii kordhinaysa taageerana siinaysa kooxda Alshabab.

D:- Waa inla abuuro gudiga Nabadgelyada Gobolka Banaadir, Ciidanka nabadaynta, iyo weliba shuruucda nabadaynta.

Sidoo kale waxaan ucadaynayaa shacbiga soomaliyeed inay jiraan kooxo kaqayb-qaadanaya nabadgelyo xumida Magalada

Muqdisho,kuwaas oo aan xiligaan cid laxisaabtanta aanay jirin.waxayna kusugan yihiin muqdisho,nayrobi,dubai,iyo goobo

Badan oo kale.waxaana markale shacbiga muqdisho kudhiirigelinayaa inay maalin kaliya isku soobaxaan ayna muujiyaan

Rabitaankooda,dawlada muqdishana waxaan leeyahay ninbaa wiilkiisa ladardarmay wuxuuna yiri maandhow hadaad xajka

Rabto xamaro lajoog,xoolo rabto xamaro lajoog, waxaana arinaas uga jeedaa gooni iskutaaga somaliland waxaa dawo u ah

Nabada muqdisho,Jubooyinkka daawo u ah Nabada muqdisho, waa inlayska ilaabo safarada iyo socodka dalalka dibada laguTegayo,waana inlagu lebistaa surwaal-dabagaab layskana dhigaa dharka quruxda badan iyo garabaatiyada lagashan yahay.

Waxaana qoraalkayga kusoo gebagebaynayaa in muqdisho nabadeedu kuxiran tahay dadkeeda oo markeliya u istaaga Kan fogaada nin jeclaysi iyo kanaa aniga ixiga ee yaan lataaban.

Suldaan Ali Abdulahi Hassan

Sweden/Västerås

Daawo Sawirada Axmed Madoobe oo Magaalada Nairobi Isbitaalka ku booqday Yaasiin Raadeer
Hogaamiyaha Maleeshiyaadka raaskaambooni Axmed madoobe ayaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya isbital ku yaala waxa uu ku booqday Yaasiin raadeer Guddoomiye ku xigeenka maamulkii KMG ee magaalada Kismaayo oo maleeshiyaadk ka tirsan Raaskaambooni ay Kismaayo ku dhaawaceen.

Sawiro laga soo qaaday Yaasiin raadeer ayaa muujinaye isaga oo jiifa sariirta bukaanka qalabka caafimaadka ay ku xiran yihiin,maadaama halkaasi lagu dabiibayo xaalada Yaasiin raadeer.

Col, Yaasiin Raadeer ayaa ilaa hadda waxaa  jiirn cid si toos ah loogu qabtay dhaawiciisa. Waxaana jira warar isku tuurtur ah oo ku aadan cida ka danbeysa dhaawiciisa, walow xilliga la dhaawacayey inuu ku mashquulsanaa dejinta ciidamo gadoodsan oo ka tirsan maamulka uu qeybta ka ahaa Col, Yaasiin Raadeer.

Faahfaahino ka soo baxaya qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaaladii Kismaayo oo la geynayo magaalada
Wararka aynu ka helayno magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxay sheegayaan in qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada Kismaayo loo qaadayo magaalada Garoowe ee maamulka Puntland si halkaasi loogu soo dabiibo, iyadoo warar kale ay sheegayaan in dadka look ala qeybin doono magaalooyinka Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo.

Sida warku sheegayo 23 qof oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay dagaaladii kismaayo ka dhacay horaantii bishan June ayaa la sheegay in maanta la geynayo cusbitaallo kuyaalla  Puntland si loogu daweeyo.waxaana sidaa u xaqiijiyey qaar kamid warbaahinta ka howlgasha puntland masuuliyiin ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee Puntland taas oo ka dambeysay kadib markii maamulka Jubaland ay Puntland ka codsadeen daawaynta dadkan dhaawaca ah.

Sida warku sheegayo dhaawacyadan ayaa u badan kuwo dhaawacyadooda lagu daweynkaro gudaha dalka ayna isugu jiraan kuwo fudud iyo qaar xaaladooda lagula taacilo karo gudaha dalka, waxaana la sheegay in dadka aan waxba looga qabankarin gudaha dalka loo qaadi doono magaalooyinka Nairobi iyo Addis Ababa si halkaasi xaaladooda caafimaaf loogu soo dabiibo.

Madaxweynaha Mareykanka Obama oo ka hadlay weerarkii Shabaab ay ka geysteen xarunta UNDP
Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay weerarkii Shalay Shabaab ay ka geysteen Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Warqoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Brack Obama ayaa lagu muujiyay sida uu uga xunyahay weerarka shalay ka dhacay Muqdisho ee xarunta UNDP loo geestay.

Obama ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday weerarkaasi iyo dadkii ku dhaawacmay,isaga oo sheegay in Dowladda USA ay siiwadi doonto,taageerada ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayuu uga mahadceliyay sida geesinimada leh ay kusoo bad-baadiyeen shaqaalihii kale ee meesha weerarka lagu qaaday ku jiray.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere oo ka hadlay weerarka UNDP ay ka geysteen,ayaa sheegay in ujeedka weerarka uu ahaa in Ajaanibta Muqdisho joogta loogu muujiyo inaysan Muqdisho ku haysan amni buuxa.

Dhacdadii shalay ka dhacday Muqdisho ayaa lamid ah tii dhawaan ka dhacday xarunta maxkamadaha dalka 14-April oo rag ka tirsan Shabaab qaraxyo iyo dagaal ay ku galeen,kadibna halkaasi ay ka geysteen dagaal iyo qaraxyo.