FASHIL: Muddo Kadib Jilaaga Caanka Ah Ee Amir Khan Oo Sameeyey Rikoor Aan Weligiisa Lagu Arkin (Hoos U Dhac)

Wey dhacdaa waxaa la leeyahay waa markii ugu horeysey muddo kadib filim uu horjooge ka yahay Amir Khan inuusan si fiican kaga soo muuqan Box Office-ka.

Filimkaan kuma badna Amir Khan waxaana uu ku leeyahay muuqaal kooban sidaas darted waxaa doorka ugu muhiimsan filimka Secret Super Star qaadanaya gabadha lagu magacaabo Zaira Wasim.

Filimkaan waxaa uu kusoo aaday xilligii Golmaal Again ama filimkii Ajay lasaaray tiyaatarada aduunka waxaana uu sameyn waayey ganacsigii looga baahnaa sidaas darteeda ma sameyn suuq wanaagsan.

Filimka Golmaal Again oo ay halmar wada saarmeen shaashadaha aduunka  ayaa shaqeeyey qarash dhan 200 crores, halka Secret Super Star uu isagane shaqeeyey lacag dhan 60 crore.

Filimka Secret Super Star ayaa soo xareeyey lacag aad u yar waxaana uu tiyaatarada saaran yaha afar todobaad , waaana filimkii ugu hooseeyey sanadkaan 2017.

Arinta ugu weyn ee la hadal haayo ayaa ah in filimkaan uu kasoo dhexmuuqday Amir Khan kaas oo kamid ah jilaayasha Bollywood ka guulaha ugu waa weyn gaaray si lamid ah jilaagaan waxaa uu sameeyey filimaan badan oo wacdaro ka sameeyeen Box office-ka.

Laakiin Secret Super Star ma ahan filim ay taageeriyasha Amir Khan ku wada qanceen waxaana uu noqday filim aan saameyn lahayn kuna fashilmay Box Office-ka.

Zaira Wasim ayaa dareen ahaan ku qanacsan heerka filimkaan ee Box Office-ka sido kale waxaa ay mar walba sheegtay inay sii wadidoonto dadaalka.

Waxaa Qoray: Amoore Barre

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII