Faroole oo go’aan cusub ka qaatay xubinimada Guddiga Wadajirka Dastuurka labada Aqal

Senator C/raxmaan Max’uud Faroole oo ka tirsan xubnaha aqalka sare ee Baarlamanka Somalia ayaa iska casilay xubinimada guddiga Guddiga Wadajirka Dastuurka labada Aqal.

Talaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii Faroole uu ku guuldareystay in loo doorto guddoomiyaha guddiga Wadajirka ah ee dabagalka dastuurka labada Aqal.

Doorashada hogaanka guddigan ayaa waxaa ku soo baxay Senator Cabdi Qeybdiid oo Faroole la tartamay kaasoo helay codadka 6 ka mid ah 10ka xubnood ee guddigaas uu ka kooban yahay.

Warqada iscasilaada Faroole ayaa waxaa maanta laga hor aqriyey kulankii xubnaha aqalka sare oo isagu uu ka maqnaa, wuxuuna dalbaday in qof kale lagu bedelo xubinta uu kursigeeda baneeyey.

Xubinta buuxineysa kursiga uu iska casilay Faroole ayaa waxaa iska dhex dooranaya xildhibaanada aqalka sare oo maalmaha soo socda cod u qaadi doona.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII