Farhan Akhtar iyo Shibani Dandekar Oo Dharka Ku Dhigteen Xeebta Mexico

0

Lamaanaha caanka ah Farhan Akhtar iyo Shibani Dandekar waxay kamid yihiin lamaanayaasha Bollywoodka balse aan xiriirkooda shaaca ka qaadin had iyo jeer hase ahaate kulamadooda iyo sawiradooda ayaa wax walbo cadeyn u ah.

Lamaanahan ayaa bishii Febraayo dalxiis u aadeen dalka Mexico si ay halkaas ugu soo dabaal dagaan sanad guurada dhalashada Farhan Akhtar tan iyo markaasna sawiro shidan ayee baraha bulshada soo dhigayeen.

Waa kuwa biyaha u saaxiib ah yacni lagama wayo goob biyo ah oo waxay jecel yihiin inee marwalba biyo kudhexjiran kuna dabaashtan hadaba sawirada Internet-ka gil gilayaan waxaa kamid ah sawirk sarre.

Waa Akhtar iyo Shibani Dandekar oo isku dhegen misane ku damaashadayaan xeebta Mexico xili ay dharkii dhigteen kaliyana isku reebeen dharkii dabaasha ee biyaha loogu talo galay.

In badan jirkooda wuu muuqda balse habka ay isugu dhagan yihiin iyo sawirkaan laga qaaday ayaa in badan dad mashquuliyeen si qaas ah taageerayaashooda baraha bulshada qaarna ku eedeyen labiskooda qaawanaanshaha ah qaar kalena aad ugu faraxsan yihiin damaashaadkooda.

Hoos ka daawo maalmihii u dambeyeen sawirada shidan ay baraha bulshada soo dhigayeen lamaanahan..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here