Fahad Yasin iyo Farmaajo oo isku raacay in Roobow maxkamad la saaro

0

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ninka ugu awooda badan Dowlada hada jirta oo ah Fahad Yasin uu damacsan yahay in dacwad lagu soo oogo Mukhtaar Roobow oo ka mid ah musharaxiinta Koonfur Galbeed.

Roobow oo ahaan jiray hogaamiye kuxigeenka Al Shabaab ayaa noqday qofka ugu saameynta badan musharaxiinta Koonfur Galbeed, waxaana 85% loo badinaya in isag la dooran doono, taas oo walaac badan ku abuurtay Dowlada dhexe.

Roobow waa uu diiday inuu doorashada ka tanaasulo, waxaana hada muuqata in kaadiriinta Villa Soomaaliya ay doonaayan in wax walba awood lagu xaliyo.

Fahad, Farmaajo iyo Khayre ayaa la hadlay xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Dahir waxaana ay ku amreen inuu dacwad kusoo oogo Roobow, iyadoo dusha laga saaraayo dad lagu laayay Muqdisho.

Hadii ay maxkaadu deg deg ku xakunto Roobow, waxaa ay ka dhigan tahay inuusan tartami karin. Dowlada dhexe ayaa dhibkaan oo dhan u mareysa iney meesha ka saarto musharaxnimada Roobow, si uu u guuleysto musharaxa ay lacagta badan ku bixiyeen ee Cabdcicasiis Lafta Gareen.

Sida ay dad xogogaal ah u xaqiijiyeen warkii, arrintaan wuu aqbalay Axmed Cali Daahir waxaana dhowrkaan maalmood laga shaqeyn doonaa howsha dacwada. Dadka sida aadka ah ula socda siyaasada Soomaaliya ayaa aaminsan in dhaqamada noocaan ah ay xaalka uga sii dari karaan.

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here