FAAH FAAHIN CUSUB: Shabaab Oo Mas’uul Katirsan Dawlada Dhaawacay Kadibna Afduubtay

0

Warar cusub ayaa Shabkada Warkii.com ay ka heshay Weerar Qorsheysan oo Xalay laga fuliyey Deegaanka KM17 Ama Ceelasha Biyaha Ee Gobolka Sh/Hoose.

Dableey ku Hubeysnaa Bistoolado ayaa la sheegay inay weerar ka geysteen Halkaasi oo ay Dhaawaceen Mas’uul katirsanaa Dawlada Soomaaliya.

Weli lama sheegin magaca Ninkaasi la kaxeystay balse waxaa la xaqiijiyey inta la dhaawacay in Kooxda Hubeysan hore uqaateen Dhaawaciisa aana la ogeyn meesha lala aaday.

Maamulka Deegaanka Ceelasha Biyaha wax war ah kama soo bixin oo ku aadan weerarkaasi lagu dhaawacay Sargaalka Dawlada ushaqeenayey ee deetana la kaxeystay.

Al Shabaab oo weerarkaan fuliyey sida la aaminsan yahay ayaan dhankooda war kasoo bixin,mana ahan markii ugu horeysay oo Afduub nuucaan oo kale ah Lagu Sameeyo Shakhsiyaad la shaqeeya Dawlada Soomaaliya.

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here