FAAH FAAHIN: Ciidanka Amisom oo Laga gubay Gaari dagaal iyo Warar sheegaya…

Kolonyo ay la socdeen Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii waxaa qarax xoogan lagula beegsaday duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Qaraxan oo ahaa miino horey wadada dhinaceeda loogu diyaariyay, ayaa haleelay mid ka mid ah kolonyadii ay wateen Ciidanka Amisom, oo xilligaasi maraayay Deegaanka Muuri.

Qaraxa ka dib, ayaa waxaa la maqlay rasaas xoogan oo dhawr jiho ay u furayn Xoogaga Midowga Afrika, inkastoo aan illaa iyo hadda la soo sheegin waxyeelo ka soo gaartay dadka deegaanka.

Ciidanka Amisom oo goobtaasi ku hakaday, ayaa muddo hakad geliyay isu socodka gaadiidka, iyagoona mar dambe goobtaasi ka jiitay gaarigii laga gubay.

Haweeney ka tirsan dadka deegaanka, ayaa sheegtay in ay arkayn qaar ka mid ah Ciidanka Amisom oo ku dhaawacmay qaraxaasi iyo askartii kale ee qaraxa ka badbaaday oo u gurmanaysa.

Taliska Amisom iyo Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa ka gaabsaday in ay tafaasiil ka bixiyan qaraxa lagu gubay mid ka mid ah gaadiidka Amisom,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

error: Content is protected !!