Faah faahin: Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Magaalada..

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday Fariisimo Ciidamada Dowlada ay ku leeyihiin Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa ahaa mid  aad u xoogan oo socday Saacdo badan waxaana jira khasaarooyin ka dhashay Dagaalkaasi oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay wallow aan la xaqiijin karin inta uu la egyahay.

Dad ku sugan deegaanka ayaa Warkii.com u sheegay in ay jiraan Dhaawacyo soo gaaray dad shacab ah oo rasaasta habowga ah ay guryahooda ugu tagtay.

Maamulka Degmada Maxaas iyo Saraakiisha Dowlada weli kama aysan hadlin Dagaalka ka dhacay Degmadaasi.

DHAGEYSO LIVE 7124322959 AMA 0017124322959

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

error: Content is protected !!