Dil ka dhacay deyniile iyo Ciidamada amniga Baaritaano ka sameeyay degmadaasi.

0

Alle ha u naxariistee koox hubeysan ayaa xalay xaafadda Oodweyne ee degmada deyniile ku dilay qof shacab ah.

Dilka ayaa waxaa fuliyay Dhalinyaro Bastoolado ku hubeysan waxaaana la sheegay in marxuumka ay dileen isagoo Gaari ku xareysanaya Garaash halkaasi ku yaala kadibna waxay ka baxsadeen xaafadaasi.

Marxuumka la dilay ayaa la sheegay in la aqoonsan waayay waxaana markii dambe jeebkiisa laga helay ID Card-ka Hay’adda Bisha Cas oo loo malaynayo inuu ka tirsanaa.

Ciidamada amaanka ayaa dad usoo qab qabtay dilka waxaana la sheegay in la sii daayay qaar ka mid ah dadkii loosoo qabtay dilka.

Dilkaan ayaa ku soo aadaya xili wax ka yar 5 saacadood ka hor Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliiska lagu dilay meel u dhaw Saldhigga degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here