Digniinta Afhayeenka Al shabaab oo gil-gishay Jaamacadaha & iskuulada Muqdisho iyo DF oo…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay War ka soo baxay Al-Shabaab, kaasi oo digniin loogu diraayay Dalladaha Waxbarashada Dalka iyo Waalidiinta Sooomaaliyeed.

War ka soo baxay Al-Shabaab shalay ayaa ahaa in dalladaha Waxbarashada Dalka ay faafiyaan Manaahiij laga soo guuriyay Reer galbeedka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Warka Al-Shabaab ka soo baxay ku tilmaantay in uu ahaa mid aan waxbo ka jirin isla markaana uusan qaldaneyn Manhajka Waxbarasho ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusman oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan wax qaldan barin Caruurta Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay doonayaan in ay qal qal geliyaan Caruurta iyo Waalidiinta Soomaaliyeed, wuxuuna faah faahin ka bixiyay Manhajka Waxbarasho ee Soomaaliya ay leedahay iyo sida uu u qoran yahay.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusman ayaa sheegay in aan loo baahneyn in la Siyaasadeeyo Waxbarashada.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Waxbarashada ay ka madax banaan tahay Siyaasada, Waxa uuna Al-Shabaab ugu baaqay in aysan Siyaasadeyn waxbarashada.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII