DIGNIIN: Dadka Isticmaala Coffe-yga Ama Qaxwada Iyadoo Aan La Quraacan Oo Looga Digay Arintaas (Caloosha Oo Maran Ka Jooji Kafeyga Ama Qaxwada)

Dadka ayaa inta badan caadiyeesteen inay cabaan COFFE subax walba iyagoo aan quraacan balse waxaa laga digayaa arintaas sababtoo ah caafimaad ahaan uma wanaagsan dadka caadiyestay falkaas.

Cabbida qaxwada ama subixii iyadoo aan la quraacan waxaa la sheegay inay wax yeeleyso gudaha caloosha waxaa ay sidoo kale dhaawacdaa dheef-shiidka gudaha iyo maqaarka sare ee caloosha.

Hadaba Waa Maxay Ay Dadka U Caadiyeysteen Inay Cabaan Qaxwada Iyadoo Aan La Quraacan?

Waxaa jira waxyaabo badan oo laga digayo balse dadka ma aminsana inay joojiyaan , ilaa iyo ay tijaabada arkaan.

Dr Adam Simon ayaa sheegay  ‘’ Waxay sababtaa wal wal, madax wareer iyo sidoo kale saameeyn kale oo gudaha caloosha ah,’’ ayuu yiri Dr-ka.

Wadna xanuunka ugu badan waxaa keena qaxwada, waa marka aad isticmaasho iyadoon la quraacan.

Daraasado badan ayaa la sameeyey waxaana ay cadeyneysaa in mararka qaar cabista COFFE-yga , waxaana wanaagsan in mar walba laga taxadiro , sidaas darteeda waxaa fiican in caafimaadka laga taxdiro.

Arintaan waxaa looga digayaa inta badan odiyaasha , sababtoo ah odiyaal badan ayaa caadiyeesta subixii inay cabaan qaxwada ama Coffe-yga.

Waxaa Qoray: Amoore Barre

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII