Dhageyso: Xaafado kamid ah Magaalada Muqdisho oo aan xalay laga seexan Iyo Ciidamada oo..

Ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa xasilinta ayaa xalay Howlgal gaar ah waxa ay ka sameeyeen wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, gaar ahaan xaafadaha degaanada halkaasi ku yaalla.

Ciidamada oo Howlgalkooda uu qaatay saacado badan ayaa waxa ay si gaar ah uga wadeen agagaarka Tabeelaha Sheekh Ibraahim, halkaasi oo habeen ka hor lagu dilay Cabdi Nuunow Aadan oo ahaa nin ka tirsanaa Ergadii magaalada Baydhabo ku soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka

Dadka degaanka, ayaa markeliya ku soo baraarugay ciidan fara badan oo lagu soo daadiyay xaafadda Tabeelaha Sheekh ibraahim, Sarkuusta ilaa degaanka Garasbaaley, iyadoo ayna xireen wadooyinka soo gala.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII