Dhageyso:-Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxyadii iyo weerarkii ka dhacay Meel ku dhaw Villa Somalia

0

Waxaa Saacad kahor magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ka dhacay labo qarax iyo weerar toos ah ay geesteen dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Qaraxa koobaad ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo xoog kusoo dhaafay Koontarool ay joogeen ciidamada Koofiya casta oo kuyaala Isgooska Ceel Gaabta, waxaana gaarigan oo rasaas lagu furay ku qarxay meel ku dhaw albaabka laga galo xarunta Madaxtooyada.

Jugta qaraxa koobaad ayaa ahaa mid aad u xoogan oo laga maqlay inta badan Muqdisho, waxaana gaarigan uu ku qarxay meel u dhaxeysa albaabka laga galo Madaxtooyada iyo Hotelka SYL.

Waxaa daqiiqado kadib qarax labaad oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay Isgooska Ceel gaabta, waxaana gaarigaasi qarxay la sheegay in ay ka degeen dabley hubeesan oo katirsanaa Al Shabaab.

Qaraxa koobaad markii uu dhacay ayaa la maqlay rasaas xoogan oo dhax martay ciidamada Koofiyo casta iyo ragii hubeesnaa ee katirsanaa Al Shabaab, waxaana raga hubeesan u suurtoobi weysay in ay u gudbaan dhinaca Madaxtooyada.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in la dilay qaar kamid ah ragii hubeesnaa ee weerarka soo qaaday, waxaana wararka qaar sheegayaan in ay jiraan qaar kamid ah ragii hubeesnaa in ay ka baxsaday goobta uu weerarku ka dhacay.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oon wali la ogeyn inta ay la egyihiin ayaa ka dhashay qaraxyada iyo weerarka ka dhacay agagaarka Madaxooyada Soomaaliya, waxaana goobta ay wax ka dhaceen xiray ciidamada amaanka oo howlgalo kawada.

Qaraxyada iyo weerarka ka dhacay maanta magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadaya xili ay inta badan xiran yihiin wadooyinka magaalada Muqdisho, waxa uu sidoo kale weerarkan imaanayaa xili malamo kahor weerarkan oo kale uu ka dhacay xarunta Otto Otto ay degan yihiin Wasaaradaha Arimaha gudaha iyo Amniga.


Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here