DHAGEYSO: War Naxdin Leh Oo Naga Soo Gaaray Magaalo Katirsan Koonfur Africa & Cabsi La Dareemayo

0

Kooxo burcad Koonfur afrikaan ah ayaa gudaha wadanka Koonfur Afrika ku dilay muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ka ganacsada gudaha wadankaasi.

Kooxdan ayaa weerartay muwaadinkan Soomaaliga ee la dilay lagu magacaabi jiray Abuukar Cilmi Juuni ah oo ku sugan xaruntiisa ganacsi oo uu dhowaan ka shaqo bilaabay waxaana ay ku taalaa magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Mid Kamid ah Soomaalida ku sugan wadanka Koonfur Afrika ayaa sheegay in muwaadinkan la dilay uu mudo 10 san ah uu dalkaasi ku noolaa, hayeeshee Goobta Ganacsi ee ninkan lagu dilay uu ka howlgabay mudo afar cisho ah kahor isagoo qorshihiisu ahaa in Soomaaliya dib ugu soo laabto.

Kooxda dilka geysatay ee burcada aheyd ayaa goobta isaga baxsaday durbadiiba marka ay falka geysteen, waxaana meydkiisa goobta ka qaada qaar kamid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee deriska la ahaa ninka la dilay.

Ma ahan markii ugu horeysay ee muwaadin Soomaaliyeed lagu dilo gudaha koonfur Afrika isla sanadkan 2019 ayaa waxaa kusoo kordhayay dilalka loo geysanayo Soomaalida Ku Ganacsata dalkaasi, welina ma jirto isku dayo ay sameeynayaan dowladaha Soomaaliya iyo Koonfur Afrika ee looga hortagayo Falalkaasi.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here