DHAGEYSO: Sarkaal ka tirsan ciidamada Jubbaland oo xaaskiisa ku toogtay Kismaayo .

0

Nin ka tirsan ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa habeen hore wuxuu Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland ku dilay xaaskiisa, sida ay xaqiijiyeen ehelada gabadha dilka loo gaystay.

Gabadha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Muxibo Maxamed Xuseen, waxayna aheyd 19 jir dhawaan la aqal gashay ninka falka dilka ah u gaystay.

Gacan ku dhiiglaha dilka gaystay ayaa lagu magacaabaa C/laahi Asad Ismaaciil, kaasi oo hadda la soo sheegaayo inuu ku sugan yahay Madaxtooyadda Magaalada Kismaayo.

Dilka ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib arrimo qoys oo haystay gacan ku dhiiglaha, islamarkaana wuxuu jeclaa gabar aanan aheyn midda uu qabo, balse habeen uu doonaayay inuu soo arko gabadha uu jeclaa ay u suurageli wayday, kadibna isaga oo careysan uu guriga ku soo laabtay.

Muxibo oo fadhida daarada guriga, islamarkaana u diyaarisay saygeeda cashada guriga, ayaa waxaa dhacday gacan ku dhiiglaha markii uu albaabka ka soo galay, kadibna uu arkay Muxibo inuu xabad kaga dhuftay madaxa, xilli ay agfadhiday cashadii ay u diyaarisay.

Allaha u naxariisto Marxuumad Muxibo ayaa halkaasi ku geeriyootay, waxaana sidaasi sheekada u dhacday xaqiijiyay gabar jaar ay yihiin Muxibo oo la joogtay xilliga falka dilka ah uu dhacaayay.

Muxibo allaha u naxariistee ayaa waxa uu ninkaan guursaday 15/1/2018, ehelada marxuumada ayaa waxa ay dalbanayaan in gacan ku dhiiglaha sharciga la waafajiyo, lagana soo saaro madaxtooyadda Jubbaland ee uu ku ganbanaayo.

      Sarkaal ka tirsan ciidamada Jubbaland oo xaaskiisa ku toogtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here