DHAGEYSO: Gudoomiyaha Degmada Dayniile Oo Ka Hadlay Muranada Dhulka Ee Ka Jira Degmadaas

0

Gudoomiyaha degmada Dayniile ee gobalka Banaadir Maxamed Abuukar Jacfar oo wareysi siiyay Warkii.Com ee magaalada MUqdisho ayaa faah-faahin ka bixiyay muranada dhinaca dhulka ee ka jira degmada uu maamulo,Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay aad ugu badanyihiin dacwadaha muucaas ah isla markaana ay ku guuleysteen intooda badan halka kuwa kalana ay gacanta ku hayaan.

Maxamed Abuukar Jacfar ayaa sheegay in uu ahaa kiiskii ugu xumaa ee muranada dhulka in uu ahaa Oday 80-jir ah oo la yimid warqado lahaanshaha guri ku yaal degmada hase’ahaatee markii la baaray kadib la ogaaday in guriga uu horay uga gatay qof kale lana helay Sawiradiisa iyo saxiixa xiligaas,isaga oo sheeegay in mararka qaar dadku ay la yimaadaan dacwado kuwaas la mid ah oo aan sharci aheyn.

Maamulka gobalka Banaadir ayaa sheegay in ay dib ugu celinayaan qof kasta oo si sharci daro ah looga haysto dhulkiisa waxaana magaalada Muqdisho dhowr jeer dhul ay lahaayeen lagu wareejiyay dad milkiyaddiisa lahaa oo laga heystay kadib markii maxkamaddu ay u xakuntay.

Halkaan Ka Dhageyso Codka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here