DHAGEYSO:-Guddoomiyihii gobalka Hiiraan oo sharuud ku xiray wareejinta xilka maamulka gobalka.

0

Cali Jeyte Cusmaan Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee maamulka gobalka Hiiraan ayaa shalay ka maqnaa xafladda xil wareejinta maamulka gobalka waxaana uu faah faahin ka bixiyay sababta uu u diiday xil wareejinta.

Guddoomiyaha oo wareysi siiyay Warkii.Com ayaa sheegay in ay maqan tahay Lacag kumanaan doolar ah taas oo laga aruuriyay gobalka kadibna lagu riday Akoon ay leedahay Hirshabeelle gobalkana aan waxba laga soo gaarsiinin.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in lacagtaasi ay ku maqan tahay shaqsiyaad ka tirsan Maamulka Hirshabeelle sidaas darteedna uu liiska Lacagaha u gudbin doono ganacsatada iyo odayaasha gobalka.

      120111_007 - My Recording

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here