Dhageyso:-Golaha Wakiilada Soomaaliland Oo Ka Shiraya Xeerkii Dalka Looga Mamnuucay Shirkadda DP World

0

Kadib Go’aankii Mudanayaasha Baarlamanka federaalka Soomaaliya oo ay shirkada DP World uga mamnuuceyn dalka ayaa waxaa la filayaa in Golaha Wakiilada Maamulka Soomaaliland ay iyana Maanta Go’aankaas ay ka hadlaaan.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye(Nacnac) oo ka mid ah Golaha Wakiilada soomaaliland isla markaana la hadlay Warkii.Com ayaa sheegay in Go’aankaas uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin maantana ay shir deg deg ah isugu imaan doonaan Go’aana ay soo saari doonaan.

Waxa uu sheegay in iyagu ay yihiin kuwo waahore Soomaaliya inteeda kale ka Go’ay sidaas daraadeedna ay u madax banaan yihin in horumarkooda ay ka Shaqeeyaan.

Sikastaba xiisada ka dhalatay heshiiskii Saddex geesoodka ahaa ee Shirkada DP World, Dowladda toobiya iyo Maamulka Soomaaliland ee dekada Berbera ayaa weli taagan balse waxaa la sugayaa Go’aanka Xubnaha Aqalka Sare iyo Saxiixa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Axmed Maxamed diiriye(Nacnac).

      140312_010 - My Recording
Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here