Dhageyso:- Garsooreyaal Uu Xilka Ka Qaaday Madaxweyne Farmaajo Oo War Soo Saarey

0

Wareegto Shalay Uu Soo Saarey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ayaa Waxa Uu Xilka Uga Qaaday 5 Ka Mid Ah Garsoorayaasha Maxkamada Sare Ee Dalka,Waxana Xilka Qaadistaas Ka Soo Horjeestay Mid Ka Mid Ah Garsoorayaasha Ahna Guddoomiye Ku Xigeenka Maxkamada Sare.

Garsoorayaasha Ayaa Xilka Laga Qaaay Waxyar Ka Hor Markii  Wareysi Ay Siiyeen Warkii.com Eedeyn Kulul Ay U Jeediyeen Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ee Dalka Ibraahim Iidle Saleyman,Iyaga Oo Xiligaas Codsaday In Xilka Laga Qaado Balse Ay Iyaga Xilkoodii Ku Waayeen.

Maxamed Maxamuud (Dr Luu) Oo Ahaa Guddoomiye Ku Xigeenka Maxkamada Sare Kana Mid Ahaa Garsooreyaashii Xilka Laga Qaaday Ayaa Sharcidaro Ku Tilmaamey Xilka Qaadistaas Uu Ku Sameeyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxa Uu Sheegay In Sababta Xilka Looga Qaadi Karo Ay Tahay In Marka Hore Hadii Uu Dembi Galay Ay Baaritaano Ku Sameeyaan Guddiga Golaha Adeega Balse Xilligaan Dalka Uusan Ka Jirin Guddigaas.

“Anaga Waxaa Xilka Ku Weyn Karnaa In Golaha Adeega Garsoorka Ay Baaritaano Nagu Sameeyaan Hadii Aan Qalad Galnay,Markaas Ayaa Go’aan Nagala Gaari Karaa Laakin Golahaas Mar Hore Ayaa La Baabi’iyey Marka Wax Sharciyad Ah Kuma Dhisna Xilka Nagala Qaaday Ayuu Yiri Dr Luu.

Arrintaan Ayaa U Muuqatay Mid Khilaaf Cusub Ah Oo Soo Kala Dhex Gashay Waqtigaan Garsoorka Dalka Oo Ah Mid Laga Sugaayo Cadaalada Balse U Muuqda Mid Isaga Isku Mashquulay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Maxamed Maxamuud (Dr Luu).

      Cod-Maxamed-Maxamud-Maxamed-Luu-Guddoomiye-Ku-Xigeenka-Maxkamadda-Sare-ee-Dalka-Xil-Ka-Qaadista-Lagu-Sameeyey-
Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here