DHAGEYSO : Faah faahin | Haweeney Ganacsato ah oo Xalay lagu dilay Xaafadda Towfiiq Ee Muqdisho

Koox Bastooladley ah ayaa Xalay Xaafadda Towfiiq Ee Degmada Yaaqshiid gaar ahaan Dhanka Siliga ku dishay Haweeney la sheegay in ay ka Gacansan jirtay iibinta Dhuxusha la shito.

Alle ha u Naxariistee Haweeneyda la dilay ayaa Magaceeda lagu sheegay Dahabo Xuseen,waxaana ay ka mid aheyd Dadka ku Nool Xaafada Towfiiq,iyadoo ka Ganacsan jirtay Dhuxusha.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Dableey Bastoolado wadata ay Dileen Marxuumadda,kuwaas oo Dilka ka Dib Goobta ka baxsaday.

Ciidamada Ammaanka Degmada Yaaqshiid Ee Gobolka Banaadir ayaa Goobta Xiray wax yar ka dib markii uu Falka Dilka ah dhacay,waxaana ay Baaritaano kala duwan ka sameeyeen Xaafadda uu Dilku ka

dhacay,hayeeshee ma jirto Cid weli ay u soo qabteen Falkaas Dilka ah.

Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka intaba ayeysan ku Cusbeyn in la beegsado Haweenka iyo Dadka Birma geydada ah,kuwaas oo Dilkooda uu soo batay waxii ka dambeeyay markii ay meesha ka baxday Dowladdii Dhexe.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII