Dhageyso:-Askar lagu xukumay Muqdisho

0

Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun waxa ay ku riday askar lagu eedeeyay in ay lacag ka dhaceen shirikadda isgaarsiinta Hormuud.

Xukunkan waxaa ku dhawaaqay Gudoomiyaha maxkamadda darajada koowad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur (Shuute), waxaana lagu xukumay ragan oo Sedex ahaa in ay si wada jir ah ubixiyaan lacagtii ay ka dhaceen Shirikadda Hormuud oo dhameed $11,354, Sidoo kalana waxaa lagu xukumay min Shan sano oo xarig ah.

Askarta la xukumay ayaa magacooda waxaa lagu kala sheegay Cabdikariim Muuse Muxidiin, Aweys Faarax Maxamuud iyo Maxamed Cali Maxamuud.

Maxamed Cali Maxmuud waxaa la xukumay isaga oo Maxkamadda horteeda ka maqan.

Hoos ka dhageeyso qaabkii uu xukunka udhacay.

      MAXKAMADA-CIIDANKA-09-08-2018-1
Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here