DHAGAYSO: Farmaajo oo godkiisii biyo ugu galeen & Xildhibaanadii ugu badnaa oo Mooshin ka gudbiyey

0

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya ayaa diyaariyay Mooshin ka dhan ah heshiisyada Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu la galay dowladaha caalamka qaarkood.

Xildhibaanadan oo tiradooda ay gaareyso 10 Xildhibaan ayaa warqad ay qoreen waxa ay ku muujiyeen walaac ay ka qabaan Heshiisyada is afagarad ee lala galay dowladaha Shisheeye.

Waxa ay ku muujiyeen warqadooda in loo baahan yahay heshiisyadadaasi dood in laga furo oo Golaha Shacabka ay ka doodaan.

Xildhibaan C/fataax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah xubnaha ku saxiixan Warqadan ayaa sheegay in maalinta Sabtida ay hor keeni doonaan Golaha Shacabka Mooshinkaasi si baarlamaanka uu uga hadlo.

Mooshinkaani ayaa waxaa uu imaanayaa xili isbadal siyaaadeed uu ka socdo Geeska Afrika, ka dib markii madaxda dalalaka Ereteria, Itoobiya iyo Soomaaliya ay yeesheen wadahadalo maalmo socday oo lagu qabtay Magaalada Bahardar ee dalka Itoobiya.

      Madaxweyne-Farmaajo
Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here