DEG DEG: Xildhibaano Badan oo Diyaariyay Mooshin ka dhan ah RW Kheyre & Sababta oo la ogaaday

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Xildhibaano badan oo katirsan dowladda Soomaaliya ay wadaan qorshe mooshin looga keenayo Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Xukumadiisa.

Kulamo aan caadi aheyn ayaa maalmihii lasoo dhaafay magaaladda Muqdisho uga soconayay xildhibaano katirsan barlamaanka labada gole kuwaas oo doonaya iney xukumada ugu yeeraan marka uu kulanka Barlamaanka furmo.

Inkastoo xukumadda RW Kheyre ay dadaal badan ku bixisay iney dajiso siyaasad cusub oo ku aadan la dagaalanka masuq maasuqa iyo soo celinta amaanka, hadana xildhibaanada ayaa ku doodaya ineysan waxba qaban

Wararka ayaa tilmaamaya in ku dhawaad 45 Xildhibaan ay ku kulmen Muqdisho ayna raadinayaan taageero dheeraad ah si uu uguuleysto mooshinka ka dhanka ah xukumada RW Kheyre

Shaqsiyaad caan ah oo katirsan barlamaanka horeyna uga mid ahaa musharaxiinta xilka madaxweynaha ayaa lasoo sheegayaa iney si weyn uga dhex muuqdaan olalahan ka dhanka ah xukumadda Kheyre.

Sababaha ugu badan ee looga soo horjeedo xukumadda Soomaaliya ayaa ah go’aankii dhex dhexaadnimada ahaa ee ay dowladu ka qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka, waxaana ay doonayaan in xariirka loo jaro dalka Qatar.

“Sababta ugu weyn ayaa ah in Ragaan Xildhibaanada ah ay katirsan yihiin urur diimeedyo taageero ka hela Sacuudiga iyo Xulifadiisa, marka waxaa ay diidan yihiin go’aankii dowladda”sidaas waxaa yiri ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka agdhow xildhibaanada kulmay.

Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre oo haatan 3 bilood keliya jirta ayaa lagu amaanay inay wax ka qabatay amaanka, la dagaalanka musuq maasuqa iyo inay Ciidamada Dowladda siiso mushaarkooda.

Qasnada Dowladda ayaa la sheegay inay ku jirto lacag markii hore siyaabo kala duwan loo bixin jiray, waxaana la soo sheegaya in wakiilada beesha Caalamka, Bankiga adduunka iyo hay’adda lacagta IMF la dhacsan yihiin nidaamka xukuumadda Kheyre ku wado la dagaalanka musuq maasuqa.

salaamu Caleykum wr wb, walaalayaal waxaan idinla wadaagayaa inshaAllah, numbarada cusub ee qolka 114 bar ama baro, qolkaan oo ah ... 
hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII