DEG DEG: Weerar Dhimasho & DHaawac Sababay Oo Ka Dhacay Xarun Ku Taalla Magaalada Cadaado

0

Nin Watay Qori AK47 Ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay dad kusugnaa Xarun Ku taalla Magaalada Cadaado Ee Gobolka Gal gaduud Bartamaha Soomaaliya.

Xarunta waxay aheyd Meel dadka lagu dhaqan celiyo iyadoo la sheegay in Maamulihii Xaruntaas isagoo dhaawacay nin ka mid ah Ilaalada Xarunta.

Warar ayaa sheegaya in ninka falkaas geystay uu ka mid ahaa dadkii lagu dhaqan celin jiray Xarunta balse uu maalmo ka hor ka baxsaday.

Maanta oo Ah Khamiis ayaa la sheegay in isagoo Qori AK47 wato ayaana la sheegay inuu rasaas ku furay dad kusugnaa Xaruntuu kusugnaa.

Tirada guud la sheegay in ay dhinteen waa labo qof iyadoo labo kalena ay dhaawacmeen,ciidamada amniga ayaa sheegay inay qabteen gacan ku dhiiglaha dilka geystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here