DEG DEG:- Tahriibayaal Somali oo Lagu Xiray Xuduudka Sacuudiga Iyo Yemen

Wargeyska Asharqal-awsad ayaa qoray inay Ciiddanka Ilaaladda Xuduudaha Sacuudiga qabteen Tahriibayaal Ajaaniib ah oo ay Somali ku jireen, kuwaasi oo doonayey inay ka soo gudbaan xuduudka Sacuudiga la wadaagaan Yemen.

Afhayeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga, Jeneral Mansuur Al-turki ayaa sheegay inay Ilaaladda Xuduudaha qabteen Tahriibayaal tiradoodu dhan tahay 1,265 qof, kuwaasi oo doonayey inay sharci la’aan kaga so ogudbaan Degmadda Al-dayer Bani Malik  ee Gobalka Jazan ee dalka  Sacuudiga.

Bayaan uu Afhayeenku soo saaray ayuu ku sheegay in tahriibayaasha la qabtay kala ahaayeen 847 qof oo u dhalatay Yedmen, 309 oo u dhalatay Ethiopia iyo 16 Somali ah.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay inay Ciiddanka toogteen 3 qof oo waxyaabaha qarxa ka soo gudbin lahaa Sacuudiga la wadaagaan Yemen.

Hawlgalkaasi waxaa lagu dhaawacy 2-kale, halka 30-kalena is-dhiibeen, lamana sheegin dalalka ay u dhasheen.

Dhinaca kale, Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga ayaan wax war ah ka soo saarin Duqeyntii lagu dilay ugu yaraan 42 Qaxooti Somali oo la socotay dooni ku sii jeeday Xeebaha dalka Sudan.

Taas bedelkeeda, waxay Isbahaysiga ka codsadeen QM inay la wareegaan Maamulka Dekedda Xudeydah ee Galbeedka Yemen, halkaasi oo ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta maamulaan.

Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay inaan la aqbali karin weerarka lagu dilay Qaxootiga Soomaalida ee doonida kaga soo shiraacday Dekedda Xudeydah, kuna sii jeeday Xeebaha Sudan.

Qaxooti ka badbaaday weerarkaasi ayaa sheegay inay Diyaarad Helikoptar ah rasaas ku furtay doonida ay la socdeen Qaxootiga, iyadoo Diyaaradaasi la tuhunsan yahay inay leeyihiin Isbahaysiga Sacuudiga ee dagaalka kula jira Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Warkii.Com

salaamu Caleykum wr wb, walaalayaal waxaan idinla wadaagayaa inshaAllah, numbarada cusub ee qolka 114 bar ama baro, qolkaan oo ah ... 
hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII