DEG DEG: Sirdoonka Ethiopia oo la wareegay taladii maamulka Somaliland & Muuse Biixi oo gacanta u galiyay dhalinyaro badan

0

Maamulka madaxweyne Muuse Biixi ayaa dad kasoo jeeda Ogaadeeniya u gacan galiyay sirdoonka Ethiopia, iyagoo ku sheegay inay ka tirsan yihiin jamhadda ONLF ee Ethiopia dagaalka kula jirta.

Sida ay wararku sheegayaan magaalada Gabilay ayaa laga qabtay dhalinyaro si nabad galyo ah u joogay oo aan cidna dambi ka galin qaarkoodana ay ka shaqaysanayeen, waxaa la xqiijinayaa in wiilashaas ay maamlkaasi mudo gacanta ku hayeen ugu dambaystiina ay gumaysiga u gacan galiyeen.

Sirdoonka Ethiopia ayaa Xafiisyo Qarsoodi ah ku leh Goobo Qarsoon oo ku Yaalla Meelaha ay Dadkaasi inta Badan Naftooda ula cararaan ee kuyaala magaalooyinka Somaliland.

Warbixin cusub ayaa lagu sheegay in Sirdoonka Dalka Ethiopia muddooyinkii ugu dambeeyey Dardar geliyeen Sirdoonkooda ku dhaqan Dalalka Kenya, Djibouti, Somalia, Somaliland iyo Puntland.

Waxa kale oo ay Warbixintu Daaha ka Rogtay in Dawladda Djibouti ay Sirdoonka Ethiopia ku Dhiirrigelisay inay Qabqabtaan oo Baadhaan Dad Qaxooti ah oo Dalkeeda ku Nool, iyagoo Ku Sheegay inay Dadkaasi ka mid yihiin Ururka ONLF.

Sirdoonka Itoobiya ayaa si xishood lahayn amar usiiyay Booliiska Somaliland in shaqsiga ay rabaan gacanta usoo galiyaan, Waxana ay Warbixintu Daaha ka Qaadday In Dhammaanba Ciidanka Sirdoonka Ehiopia ay Xafiisyo Qarsoodi ah ku Leeyihiin, Hargeysa, Berbera, Borama iyo Burco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here