DEG DEG: Sarkaal Ka Tirsan Maamulka Degmada Wadajir Oo Muqdisho Lagu Dilay

0

Kooxo hubeysan ayaa Barqanimadii Maanta waxaa Xaafad ka tirsan degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir ay ku dishay Guddoomiye laameed ka tirsanaa Waaxda Timacade ee degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir.

Guddoomiye laameedka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Axmed Cali Woosh,waxana la sheegay in,isaga iyo qof kale oo la socday lagu dilay Xaafada ansalooti qeybta degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Kaarkiisii Aqoonsiga iyo Bustoolad uu watay ay ka qaateen.

Sidoo kale Guddoomiye laameedka la dilay ayaa ka tirsanaa qeybta Nabadsugida ee Maamulka degmada Wadajir sida naloo xaqiijiyay,iyada oo dadkii ka dambeeyay dilkaas ay goobta ka baxsadeen.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Wadajir oo uu la shaqeynayay weli kama hadlin dilkaas,waxaana uu kusoo aadayaa xilli shalay degmada Hodan lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Todobaadkaan ayaa Magalada Muqdisho waxaa ka dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay askar mas’uuliyiin iyo Ganacsato welina majirto tallaabo ay qaadeen laamaha amniga Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here