DEG DEG: Qarax ka dhacay Degmada Karaan

0

Wararka naga soo gaaraya Degmada Kaaraan ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoogan uu xalay ka dhacay Nawaaxiga xarunta Degmada.

Qaraxa ayaa ku jiray haan lagu sii diyaariyay, waxaana jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir xili dadka ay Jiifeen.

Goobjoogayaal ayaa Warkii.Com usheegay in qaraxa uu ka dhex dhacay guri ku yaala nawaaxiga Xarunta Degmada Kaaraan, Waxaana goobta durbadiiba gaaray Ciidamo katirsan kuwa Nabad Sugida Somaliya oo guriga ka sameeyay baaritaano la xiriira waxa uu ahaa qaraxa iyo sida lagu keenay guriga.

Masuuliyiin katirsan Maamulka Degmada Kaaraan ayaa inoo sheegay in howlgal guriga laga sameeyay lagu soo qabtay Ninkii iskalahaa guriga qaraxa ka dhex dhacay, Waxeyna la aadeen xarumaha ay wax ku baaraan.

Lama soo sheegin wax Khasaare ah oo ka dhashay qaraxa ka dhacay Xalay Waqooyiga Magaalada Muqdisho maadaama guriga uu ahaa mid laga maqanyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here