DEG DEG: Puntland oo digniin kulul u dirtay MD Farmaajo & RW Kheyre

Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in Madaxda dowladda Federaalka Soomaliya ay bilaabeen waqti dhameys ayna ku socdaan waddo ay ku weyn karaan Kalsoonida Shacabka Soomaliyeed.

Ku-xigeenka Mamulka Puntland Eng C/xakiin Xaaji Cumar Camey oo warbaahinta kula hadlay Magalada Boosaaaso ee Gobolka bari ayaa sheegay in Madaxda Dowladda Soomaliya ay haatan ku socdaan waddo ay ku weyn karaan Kalsoonida Shacabka Soomaliyeed, xili ay ku mashquulsan yihiin magacaabista Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaliya.

“Madaxda Dowladda Soomaliya waxaan ugu baaqayaa in ay iska daayaan Mashquulka iyo waqtiga ay dayacayaan,hala magacaabo Xukuumadd wax ku ool ah oo sameysa isbadal dhab ah oo umadda Soomaliyeed jecel yihiin, markii la magacaabay Madaxda Dowladda Soomaliya ilaa haatan waqti badan ayaa halkaas ku dhumay, aniga waxaan leeyahay yaa la raacin waddo lagu weyn karo Kalsoonida Shacabka Soomaliyeed.“, ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Mamulka Puntland Eng Camey.

Dhowr jeer ooh ore waxaa dib loo dhigay Magacaabista Golaha wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaliya ee laga sugayo Raisulwasaare kheyre iyadoo ciladaha jira lagu sheegay in Wasiirada qaar la isku haysto.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Warkii.Com

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII