DEG-DEG:- Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Qaranka Iyo Ilaaladeedii Oo Lagu Xiray Dhusa-Mareeb

0

Wararka laga helayo magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobalka Gal-gaduud aya sheegaya in ciidamada Ah-lusunna Waljamaaca ay xabsiga dhigeen ilaalada gudoomiyaha gudiga doorashooyinka madaxa banan.

sidoo kalana xabsi guri la geliyay Xaliimo Maxamed Ismaaciil Xaliimo {Yareey} oo ah gudoomiyaha gudiga dorashooyinka oo socdaal ku joogta magalada Dhusamareeb ee gobalka Gal-gaduud.

Ciidanka Ahlusuna ayaa la sheegaya in bartamaha magaalada ay ku joojiyeen weftiga Xaliimo Yareey isla markaana ay kixeysteen ilaalada iyaga oo ka qaaday qoryihii ay wateen.

Warar kale oo la helayo ayaa sheegaya in markii hore laga shakiyay gaadiidka ay wateen wafdiga Xaliima Yarey isla markaana ciidanku ay joojiyeen si loo baaro iyada oo ay diiday gudoomiha gudiga doorashooyinka madax banaan tasina ay sababtay in xabsi guri lageliyo.

Untitled Document

ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada

TEL 001 7127755624 USA 7127755624

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here