DEG DEG: Diyaarado dagaal oo duqeyn Culus la eegtay Saldhiga Al shabaab ee Gobalka Gedo..

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Gedo waxaa ay sheegayaan in Diyaarado Dagaal ay Duqeyn xoogan ka geysteen Gobolkaasi.

Diyaaradaha Ayaa duqeeyay Saldhigyo la sheegay in ay ku sugnaayeen Saraakiil iyo Dagaalamayaal ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta waxaa ay ka dhacday Deegaanada Daarul-salaam iyo Gariley oo ka tirsan Gobolka Gedo waxaana deegaanada ay hoos yimaadaan Degmada Ceel-waaq.

Diyaaradaha duqeynta fuliyay ayaa la sheegaya in ay ahaayeen Diyaaradaha Ciidamada Kenya kuwaas oo Weerarka fuliyay Xalay Saqdii dhexe.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka soo gaaray Kooxda Al-Shabaab balse dadka deegaanadaas ku nool ayaa sheegaya indhowr gantaal ay ku dhaceen Saldhigyada la weerary.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

error: Content is protected !!