DEG DEG: Diyaaradihii Qaadka keeni jiray oo Saaka aan ka dagin Muqdisho una wareegay dhanka….

Diyaaradaha Qaadka ka keena dalka Kenya ayaa maanta imaan doonin magaalada Muqdisho, kaddib markii Ganacsatada Qaadka ay sheegeen in canshuuro dheeraad ah ay ku soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda.

Illaa Afar diyaaradood oo Qaad sida ayaa subax walba ka degi jiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasoo Wasaaradda Maaliyadda ku canshuuro jirtay, inta aan gudaha magaalada Muqdisho loo gudbin.

Qaar ka mid ah Ganacsatada ayaa cabasho ka muujiyay canshuuraha xad dhaafka ee lagu soo rogay Qaadka, iyadoo halkii Kiilo Qaadka la canshuuro 53,00 oo shiling Somali una dhigma Dollar ahaan $2.5 (Labo Dollar iyo Bar)

Hase ahaatee Ganacsatada ayaa sheegay in Qaadka ka degi jiray Muqdisho ay u weecinayaan garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle.

Labadii maalmood ee u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay khilaaf dhanka canshuuraha oo u dhaxeeyay Ganacsatada Qaadka iyo Wasaaradda Maaliyadda oo ku saabsnaaa canshuuraha Qaadka, iyadoo mid mid loo canshuurayay jawaanada ku jira Qaadka.

Qaadka magaalada Muqdisho ugu imaan jiray dhanka hawada ayaa maanta lagu wadaa inuu dhinaca dhulka ugu yimaado, hadii diyaaradaha Qaadka ka keena Kenya ay ka degaan magaalada Jowhar.

Magaalada Jowhar ayaa horay waxaa Qaadka ugu imaan jiray dhinaca dhulka, gaar ahaan Muqdisho, iyadoo bil ka hor uu bilowday duulimaad toos ah oo ah Qaadka laga keeno Kenya.

qolka 114 bar ama baro, hadaba si aad qolka usoo gasho, numbaradaan hoos ku xusan ayaad midkood soo qaraaceysaa, ama soo waceysaa 
US 001 7128322642
Australia 0280725101
Austria 4312675953
Belgium 3225882666
Denmark 4578795496
Finland 358974790172
Germany 496994329810
Norway 4721939527
Sweden 46852509904
UK 443306060934

Dhacdooyinka iyo Filimada
WARARKII